Muqdisho(Gundhig)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iclaamisay dhawaan shir looga hadlayo arimaha dooarshada oo lagu waday in Magaaladda Muqdisho ka furmo 18-ka bishan.
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labo maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland aysan aqbalin kasoo qeyb galka shirka uu iclaamiyay Farmaajo.
“Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”ayaa lagu yiri qoraalka.
“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.