Home Warar Ururka Al-shabaab oo Qabsaday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Ururka Al-shabaab oo Qabsaday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in Ciidankooda ay la wareegeen Deegaano ka Tirsan Gobolka Sanaag oo ay isku haystaan maamuladda Somaliland iyo Somaliland.

Deegaanada ay Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen waxaa kamid ah deegaanada Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet. Deegaanadaan ayaa ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in Ciidanka Shabaab ay si Nabadgalyo ah Deeganadaas kula wareegeen,islamarkaana shacabka ay soo dhaweyn kala kulmeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamuladda PPuntland iyo Somaliland oo loogu hadlaayo arintaan.