Home Warar Ururka Al-shabaab oo Joojiyay Dhismaha Garoonka Muqdisho Stadium

Ururka Al-shabaab oo Joojiyay Dhismaha Garoonka Muqdisho Stadium

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay amar ku bixiyeen in la joojiyo dhismaha iyo dayactirka ka socday Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa la sheegay in mid mid ula xiriireen shaqaalaha shirkadda haysata qandaraaska dhismaha iyo dayactirka ee Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoona ku wargeliyay in ay shaqada joojiyan, illaa amar dambe.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in iyagoo u hogaansamaya amarka shabaab ay joojiyeen dhismihii iyo dayactirka ka socday Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa bishii August ee sanadkii hore isaga baxay garoonka, kadib muddo toddobo sano ah oo uu saldhig u ahaa.

Wixii xilligaa ka dambeeyay Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waday dadaalo ay dib ugu soo celineyso billicdii uu garoonkaasi lahaa.