Home Warar Turky-ga oo Loo Saxiixay Inuu Ka Kalluumeysto Xeebaha Soomaaliya

Turky-ga oo Loo Saxiixay Inuu Ka Kalluumeysto Xeebaha Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi oo dhinacyo badan leh, markii uu halkaasi ka furmay shirka iskaashiga ganacsiga ee Labada Dal.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar)  iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa wax is dhaafsi ee jira.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa dhiggiisa Turkiga la wadaagay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskaan iyo sidii looga miro dhalin lahaa.

Heshiiskan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay labada dowladood kala saxiixdaan ayaa waxaa  goob joog ka ahaa masuuliyiin Labada dowladood ka kala tirsan, waxanay dhinacyadu isla garteen in sida ugu dhow loo hirgeliyo.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan dona Khayraadka dalkeenna, sida Kaluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

Heshiiskan oo ah mid Taariikhi ah ayaa waxaa ugu dambeyntii qalinka ku wada duugay Labada Ra’aysul wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxanay tallaabadani fursad weyn u noqon doonta Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.