Home Warar Toogasho Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

Toogasho Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sarkaal ka Tirsan booliska Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay lagu weeraray Degmadda  Dharkinley ee Magaaladda Muqdisho.

Rag ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Sarkaal magaciisa lagu sheegay C/laahi aadan Dhuubow.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalka  uu soo gaaray dhaawac culus islmarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Sarkaalka ka tirsan Booliska  Dowladda Soomaliya ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya.

Dhanka kale ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Sarkaal ka Tirsan Booliska Dowladda Soomaliya.