Home Warar Tiradda Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo Korortay!!!

Tiradda Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo Korortay!!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii shalay Lagu Weeraray Hoteelka saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

Ku dhawaad 35-ruux ayay Laamaha caafimaadka ka shaqeeya xaqiijiyeen in ay ku dhinteen qaraxyadda ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale Xildhibaan hore Cabdi Barre, ayaa sheegay 47 ruux inay ka qaadeen goobta ay ka dhaceen qaraxyada, wuxuuna tilmaamay dadkaasi inay u badnaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyada, waxa ay sheegeen inay dileen ugu yaraan 25 ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda, balse dadka dhintay ayaa ahaa rayid.