Home Warar Taliyihii NISA ee Maamulka Galmudug oo Qarax Lagu Dilay

Taliyihii NISA ee Maamulka Galmudug oo Qarax Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in qarax Miino lagu dilay Taliyihii Hay’adda Nisa ee deeganadda Maamulka Galmudug.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jirey Qooje Cabdi Shiikhdoon.

Sida la xaqiijiyay Taliyaha iyo askar la socotay ayaa waxaa jidka loo galiyay Miino xili ay ku wajahnaayeen Degmadda Matabaan,taasi ok keentay geeridiisa iyo tan askartii la socotay.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa Lagu Dilay Taliyihii Hay’adda Nisa ee deeganadda Maamulka Galmudug.