Home Warar Akhriso:-Taliyihii Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya oo iscasilay

Akhriso:-Taliyihii Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya oo iscasilay

SHARE

Muqisho(Gundhig)-Taliyihii Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Xuseen Cismaan Xuseen ayaa goordhaweyd la shaaciyay in uu iska casilay Xilkii.

Barta Twitterka Hay’adda ayaa lagu daabacay in taliyaha uu shaqada kaga tagay sababo isaga u gaar ah.

“Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda.

Taliye Xuseen ayaa la sheegay in uu isku sharaxi doono xilka Madaxweynaha koonfur Galbeed Somalia, oo doorashadiisa ay dhici doono bisha November ee soo socota.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu tago magaaladda Baydhabo, si uu halkaas ugu bilaabo Olihiisa Doorashadda Xilka madaxweynaha.

Xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida ayaa lagu wadaa in uu si KMG ahaan usii hayo Fahad Yaasiin oo haatan ah Kuxigeenka kaliya ee Hey’adda Nabadsugida ay leedahay.