Home Warar Taliyaha NISA iyo Ku-xigeenkiisa oo Xiriir Dhow La Leh Al-shabaab!!!

Taliyaha NISA iyo Ku-xigeenkiisa oo Xiriir Dhow La Leh Al-shabaab!!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa eedeen culus u jeediyay Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in labadda mas’uul ay xiriir dhow ay la leeyihiin Xubnaha sar sare ee Al-shabaab,islamarkaana aysan u qalmi in lagu aamino amniga dalka.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ilaa haatan aysan jirin cid dambi ku soo oogtay, taasi bedelkeedana isaga uu maxkamada tagay, islamarkaana uu dacwad gudbiyay, balse aan waxba laga qaban.

“Ilaa hadda wax eed ii soo jeediyay ma arkin, ninka maxkamadda tagay oo warqada soo qortay oo Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa ku eedeeyay inay qarankan u qalmin amnigiisa inay ka shaqeeyaan, oo Al Shabaab ay xiriir la leeyihiin, waqti dheerna ay la shaqeynayeen Xuseen iyo Fahad aniga ayuu ahaa, iyada oo galka maxkamadda uu iiga furan yahay, meeshii ay aheyd in maxkamadda ay yimaadaan ayaa madaxweynaha in xafiiskiisa la tagay la soo qoray warqada xilka la iiga xayuubiyay”. ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii aynu soo dhaafnay ka xayuubiyay dhammaan darajooyinkii ciidan Cabdala Cabdala, Kana saaray kamid ahaanshiyaha Hay’adda, kedib soo jeedin ka timid Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen.