Home Warar Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Soomaliya oo lagu Wado in uu iscasilo

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Soomaliya oo lagu Wado in uu iscasilo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan uu iscasili doono Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Xuseen Cismaan Xuseen.

Taliye Xuseen ayaa la sheegay in uu isku sharaxi doono xilka Madaxweynaha koonfur Galbeed Somalia, oo doorashadiisa ay dhici doono bisha November ee soo socota.

Waxaa lagu wadaa inuu warqadiisa is casilaada uu u gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Saraakiisha NISA inuu la wadaagay inuu is casili doono.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu tago magaaladda Baydhabo, si uu halkaas ugu bilaabo Olihiisa Doorashadda Xilka madaxweynaha.

Xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida ayaa lagu wadaa in uu si KMG ahaan usii hayo Fahad Yaasiin oo haatan ah Kuxigeenka kaliya ee Hey’adda Nabadsugida ay leedahay.