Home Warar Taliyaha Guud ee Ciidamadda AMISOM oo Kismaayo Ku Wajahan

Taliyaha Guud ee Ciidamadda AMISOM oo Kismaayo Ku Wajahan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubbaland ayaa ku waramaya In Magaaladaas uu ku wajahan yahay maanta Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma.

Ujeedka Socdaalka Taliyaha AMISOM ee Kismaayo ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay diyaarad ay leeyihiin milateriga Itoobiya oo shalay loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ciidamadda kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa shalay Garoonka diyaaradaha kismaayo u diiday diyaarad ay leeyihiin milateriga Itoobiya, oo sida ay sheegayaan wararka wada ciidamo ka socda dalkaas aan kamid aheyn howlgalka AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma ayaa lagu wadaa in saraakiisha Ciidamadda Kenya iyo kuwa jubbaland kala hadlo sidii xalin lahaa khilaafka jira.

Dowladda Ethopia ayaa haatan u muuqata mid faragalinaysa doorashadda Maamulka Jubbaland oo meel xasaasi ah maraysa.