Home Warar Taliyaha Booliska oo Sheegay in Amniga Dalka inuu Marayo Meel Xun

Taliyaha Booliska oo Sheegay in Amniga Dalka inuu Marayo Meel Xun

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay amniga dalka iyo mid Magaladda Muqdisho oo Dowladda ku shaqeyso.

Isagoo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Muqdisho ka dhacay ayaa Sheegay In amniga dalka uu meel xun marayo,islamarkaana heer la gaaray in la qarxiyo kaameeroyinka wadooyinka ku xiran.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la beegsado Injineerada ku hawlan dhismaha wadooyinka dalka, taasina uy ku tilmaamay inay tahay qayb ka mid ah amnidarada dalka ka jirto.

“Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yiri Jen. Xijaar.