Home Warar Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Hakiyay Howlihii Hoggaanka CID.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Hakiyay Howlihii Hoggaanka CID.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in muddo 3-bari la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID.

Qoraal ay soo saartay Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakia Huseen Axmed ayaa lagu wargaliyay  shacabka in ay sidaas ula socdaan.

“Wargelin;Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno,mahad badan”

Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan xarunta Xalane ayaa sheegay 48-Saac ee soo socota al-Shabaab inay gaysan rabaan weeraro ayna la beegsan rabaan xarumo ay ka mid yihiin Xarunta Dambi Baarista Booliska ee C.I.D loo yaqaan, Koontarool Isgoyska dabka ku yaal iyo Nawaaxiga Xeebta Liido halkaas oo dadka isugu tagaan xiliyadda galabtii iyo habeenkii.

Digniinta Sirdoonka reer Galbeedka kadib ciidamada amaanka ayaa xiray Wadada Maka Al Mukarama, gaar ahaan Laami yaraha Zoobe,nawaaxiga trapiano iyo qeybo kamid ah magaaladda Muqdisho ayaa lagu arkayaa saakay ciidamo fara badan,kuwaasi oo si adag u hubeysan.