Muqdisho(Gundhig)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday hoteelka Afrik ee ku yaala Magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.
“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde. Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,” ayuu yiri afhayeenka.