Home Warar Taliska Booliska Somaaliya oo Ka Hadlay Kiiska G/Dhexe Cabdi Cali Seed!!

Taliska Booliska Somaaliya oo Ka Hadlay Kiiska G/Dhexe Cabdi Cali Seed!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Ciidanka Booliska ayaa ka hadlay wararka ku saabsan sarkaal Saakay meydkiisa laga helay Xarunta Sheelare Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka banaadir.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka booliska Jeneraal Zakiye Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshadda ayaa sheegtay in kiiska dilka uu jiro,islamarkaana baaritaano lagu hayo.

“Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka. Waxaan warbahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay xushmeeyaan marxuumka iyo qoyska uu ka tagay ee aysan faafin sawiradda meytka marxuumka”, ayaa tiri Zakia Xuseen.

Ala Ha U Naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa meydkiisa laga helay Xerada Sheelare oo uu deganaa, isaga oo qoorta ugu xiran Xarig islamarkaana kasoo laalaado geed, waxaana qoyskiisa ay dalbadeen in la baaro, iyaga oo sheegay in aysan aaminsaneen in uu is daldalay.