Home Warar Soomow:-“ Umal Waxa uu Taageersan Yahay Fikirka Al-shabaab”,!

Soomow:-“ Umal Waxa uu Taageersan Yahay Fikirka Al-shabaab”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamuud Abuukar (Soomow) oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Soomaaliya ku joojisay Muxaadaradii Shiikh Maxamed Cabdi Umal ku qaban lahaa Garoonka Eng Yariisow ee Magaaladda Muqdisho.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay Soomow,in ay soo dhaweynayaan Go’aanka Dowladda ee lagu joojiyay Muxaadaradii Shiikh Umal.

Sheekh Soomow ayaa Sheekh Umal waxaa uu ku eedeeyay in uu taageersanaa fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, oo maanta lagu leynaayo dad fara-badan oo Soomaali ah.

Axada maanta oo lagu waday in Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu muxaadaro dadka reer Muqdisho uga jeediyo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow ayaa waxaa joojisay Wasaaradda Diinta & Awqaafta.