Home Warar Soomaaliya oo Sameysaneysa Guddiga Qaran ee Xakameynta Hubka!

Soomaaliya oo Sameysaneysa Guddiga Qaran ee Xakameynta Hubka!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday qorshe lagu diyaarinayo Guddiga qaran ee xakameynta hubka fudud iyo rasaasta.

Qorshahaan lagu xakameynayo hubka ayaa socon doona muddo lix bilood ah sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixin ay soo kala saareen Soomaaliya iyo IGAD ayaa lagu sheegay in guddiga la sameynayo shaqada uu qabanayo ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya,si Dowladda Soomaaliya ula wareegto hubka fud fudud iyo rasaasta, ugana ilaalineyso Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale guddiga ayaa ka shaqeyn doona in hubka si gaar ah loo yeesho,balse milkiyaddiisa  ay yeelaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale uu Guddigaan ka shaqeyn doonaa in hubkaasi uusan ka soo gelin sohdimaha Soomaaliya.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Al-shabaab ay dhowr jeer isticmaaleen hub iyo dharka ciidan ay leeyihiin Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxayna ku fuliyeen weeraro ka dhacay Muqdisho iyo Goboladda.