Home Warar Soomaaliya Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku-Xigeenka Qaramada Midoobay

Soomaaliya Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku-Xigeenka Qaramada Midoobay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Soomaaliya ayaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay muda  xilleedka 75-aad ee 2020/201.

Abuukar Cusmaan Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa xilkaas loo doortay sida lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee ay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Mareykanka.

Tallaabadan ayaa muujineysa doorka fir fircoon oo ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha siyaasadda caalamiga ah.

Horey waxaa xilkan Soomaaliya u soo qabtay

1963-64 Dr Xasan Nuur Cilmi

1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed M. Aadan “Qeybe” iyo

1986-87 Cabdullaahi S. Cismaan