Home Warar Soomaaliya iyo Kenya oo Ka Heshiisnaya Muranka Kiiska Badda

Soomaaliya iyo Kenya oo Ka Heshiisnaya Muranka Kiiska Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Waxaa soo baxaya warar ku aadan in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay Kiiska Badda ka gaareen heshiis ah 50:50 oo labadda dhinac ah.

Sida uu qoray wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya,Heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Kenya ee 50:50 ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu saxiixo Magaaladda Doha ee dalka Qadar.

Dowladda Qadar ayaa la sheegay in ay kaalin weyn ku leedahay arintaan,islamarkaana Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala hadashay arinta Kiiska badda in lagu dhameeyo wada-hadal.

Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo ayada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo arinta ku aadan in kiiska Badda lagu dhameyn doono Magaaladda Doha ee dalka Qadar.

Maxkamadda ICJ  ee Dalka Holland ayaa dhawaan qaaday kiiska badda Soomaaliya,waxaana Maxkamadda tagay Qareenadda u doodayay Soomaaliya,balse Kenya ayaa isaga baaqsatay in ay xaadirto Maxkamadda.