Home Warar Somaliland oo Ku Dhawaaqday Go’aano Ay Xiriirka ugu Sii Jareyso Soomaaliya

Somaliland oo Ku Dhawaaqday Go’aano Ay Xiriirka ugu Sii Jareyso Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/Wali C/llahi Suufi ayaa sheegay in kaddib xilka cusub ee loo magacaabay uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu raadinayo furaha Boostada iyo midka Simcard-ka,sida uu sheegay waxaana uu intaas ku daray in shaqada uu wasaaraddiisa qabanayo ay noqoneyso in uu Maamulka Somaliland u helo furo Taleefan oo madaxbanaan.

Dhawaan Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaliya ayaa amartay in gacanta Dowladda lagu soo celiyo furo dal isgaarsiineed-ka +252 oo ay muddo maamulayeen shaqsiyaad gaar ah.