Home Warar Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hanjabaada Kooxaha Xuutiyiinta

Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hanjabaada Kooxaha Xuutiyiinta

SHARE

Hargeysa(Gundhig)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyay hanjabaad kasoo yeertay Kooxaha Xuutiyiinta Yemen oo ku saabsan inay gantaalo ku soo weerari doonaan magaalada Hargeysa.

Wuxuu sheegay in muuqaallo ay ka arkeen baraha bulshada, balse aanay heynin wax rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee saldhigga Milateri lagu siiyay Imaaraadka ay ansixiyeen GolahaWasiirada, Golaha Wakiilada, isla markaana uu  saxiixay Madaxweynaha Somaliland, balse heshiisku taagan yahay oon waxba iska bedelin.

Wuxuu qiray in howlaha dhismaha mashruuca Saldhigga milateri ee Imaaraadka uu hakad ku yimid, taasina ay tahay mid dhinaca Imaaraadka ka jirta ee aanay iyagu hakin.

Dhawaan kooxaha Xuutiyiinta yemen ayaa sheegay in ay Gantaalo la dhici doonaan  magaaladda hargeysa hadii aan la hakinin dhismaha Saldhigga Milateri ee Magaaladda Berbera.