Home Warar Somali-land oo Xil U Magacowday Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiska Kheyre

Somali-land oo Xil U Magacowday Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiska Kheyre

SHARE

Hargeysa(Gundhig)-Maamulka Somali-land ayaa xil u magacaabay Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bashiir Good oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Raisulwasaare Kheyre ayay Somali-land u magacowday Wakiilka u jooga Mareykanka,wuxuuna shaqada ka badali doonaa Rashid Garuf.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xafiiska Raisulwasaaraha Soomaaliya oo loogu hadlaayo arintaan magacaabista.

Maamulka Somali-land iyo Dowladda Soomaaliya ayaan waxaan ka dhaxaynin xiriir wanaagsan,waxayna Somaliland dhowr jeer oo hore xabsiga dhigtay Mas’uuliyiin xilal ka haya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.