Home Warar Somali-land oo War Kasoo Saartay inuu Xumaaday Xiriirka Kala Dhaxeeyay Itoobiya

Somali-land oo War Kasoo Saartay inuu Xumaaday Xiriirka Kala Dhaxeeyay Itoobiya

SHARE


Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Somali-land ayaa beeniyay wararka ku saabsan in uu xumaaday Xiriirkii ay lahaayeen Ethopia,kadib isbadaloka dhacay dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somali-land Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu xumaaday xiriirka Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu beeniyay wasiirka Arrimaha Dibadda Somali-land,wararka ku aadan in Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Somaliland la badalay.

“Xiriirka Itoobiya & anaga naga dhaxeeya waa mid ku dhisan danaha la iska leeyahay, dal walibadantiisa sida uu ku gaadhi lahaa wuu garanayaa, xiriirka wuu wanaagsan yahaydacaayado laga sameeyay ayaa jiray arrintaasi waana been, Safiirkii u joogaySomaliland oo la bedelay ayaa jirtay wuxuun ka mid ahaa lixdan safiir oo dalalbadan Itoobiya ay ka soo bedeshay, taasi ayaana keentay dad badan inay ufasirtaan xiriirka inuu xumaaday.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibaddaSomaliland.