Home Warar Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya oo Baaqday

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya oo Baaqday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya oo Baaqday
Waxaa maanta mar kale baaqday shir aan caadi aheyn ay yeelan lahaayeen Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo lagu waday in uu dhaco Maalintii Khamiistii aheyd ayaa wasiiradda lagu wargaliyay in uu baaqday,islamarkaana uu dhici doono maanta oo sabti ah,balse waxaa saaka u soo dhacay farriin qoraaleed loogu sheegayo in shirku baaqday, balse waqti looma cayimin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha ka soo bixi doono go’aan ka dhan ah maamulka Jubbaland,kaasi oo xiriir la leh Dowladda Kenya.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa maalmo ka hor shaaciyay in Golaha Wasiirada qorsheynayaan inay Jubbaland u aqoonsadaan deegaan cadaw heysto, isagoo ku tilmaamay haddii tallaabadaas dhacdo inay tahay Qar-iska tuur iyo daldalaad siyaasadeed.