Home Warar Shirka Wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS oo Dhuusa-mareeb Ka Furmaya

Shirka Wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS oo Dhuusa-mareeb Ka Furmaya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta oo sabti ah ka furmaya Shirka Wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan waxaa 4-Maamul Kale ku casuumay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Inkastoo shalay aheyd Jimco maalin nasasho ah, hadana waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay lahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada.

Ajendaha shirka maanta ayaa ah furitaanka khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada, kadibna waxaa loo guda geli doonaa shirar ay albaabada u xiran yihiin oo ay si gaar gaar ah iyo si guudba ay u yeelanayana wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda dowladd Goboleedyada iyo Guddiyo Farsamo ay iska magacaabeen shanta maamul goboleed.

Balse shirka ayaa inta badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo xeerarka doorasho ee ay meel-mariyeen Baarlamaanka.