Home Warar Shirka Wadatashiga Doorashadda oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Shirka Wadatashiga Doorashadda oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shirka u dhaxeeya Dowladda Dhexe, Maamul  Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo lagu waday in uu furmo 20-kii bishaan Maay ayaa dib kaga dhacay kadib markii Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda ay soo gaari waayeen magaaladda muqdisho.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug,ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho waxaana maanta la sugayaa madaxweynaha hir-shabeelle oo Magaaladda jowhar ku sugan.

Ajendaha shirka muqdisho ka furmaya ayaa ah ka hadalka heshiiskii 17-kii Sep Magaaladda muqdisho lagu gaaray,kaasi oo si wadajir ah ay u saxiixeen madaxweyne farmaajo, iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoomin doona markii ugu horeysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyadoo shirkan uu hore u shir gudoomin jirey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.