Home Warar Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo Saakay Furmaya,Madax Ku Wajahan

Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo Saakay Furmaya,Madax Ku Wajahan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta oo Khamiis ah ka Furmaya shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxweynayaasha kale ku casuumay shirka Dhuusa-mareeb waxaana looga hadlayaa arrimaha siyaasadda ee dalka, oo ay ugu horeyso murunka hareeyay doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb,wuxuuna kulamo la qaatay Madaxda Galmudug.

Madaxweyne-yaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweyntooda.

Amaanka magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga magaaladda Sugaya Ciidamadda maamulka Galmudug.