Home Warar Shiikh Umul:-“Deni iyo Madoobe Waxay Kamid Yihiin Mushkiladaha Dalka Haysta ”,

Shiikh Umul:-“Deni iyo Madoobe Waxay Kamid Yihiin Mushkiladaha Dalka Haysta ”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland  iyo Jubbaland oo la aamisan yahay in ay qeyb ka yihiin khilaafka dalka ka jira, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Isagoo kasoo muuqday bartiisa Facebook ayuu sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas.