Home Warar Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo Lagu Xayiray Garoonka Muqdisho

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo Lagu Xayiray Garoonka Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee aadan cadde in ay ku xayiran yihiin Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyanayashii hore ee Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Amar kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay lagu xayiray wafdiga Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ah wafdiga ayaa sheegay in  Raisulwasaare Kheyre uu ka dambeeyo qorshahaan oo shaqsi ahaantiisa ku wajahan Beledweyne.

Waxa uu sheegay in uu ka hor yimid iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, ay kaga hormaraan magaaladda Beledweyne,sidaasna lagu xayiray wafdiga.

“Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta waa loo diidan yahay inay garoonka ka dhoofaan, maamulka Garoonka, waxay leeyihiin ma bixi kartaan amar ayaa heysanaa, markaa weydiinay waxay na dhaheen Madaxweyne Waare iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bixi raba oo beledweyne aadaya”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.