Home Warar Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo Gaaray Magaaladda kismaayo+Sawirro

Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo Gaaray Magaaladda kismaayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wafdigii ugu horeeyay oo ka qaybagalaya Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ay soo qaaday diyaarad ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Garoonka Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxaa maanta gaaray diyaaradii ugu horaysay oo ay leedahay Dowladd Goboleedka Jubbaland taas oo samayn doonta duulimaadyo dalka gudahiisa iyo dibada ah.

Rakaabkii u horeeyay oo diyaaradan ay soo qaado waxaa kamid ahaa Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen guuleed iyo Xildhibaano heer Federaal ah kuwaas oo kasoo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya una yimid ka qaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale oo Jubbaland ah iyo dadweyne kala duwan ayaa Wafdigan kusoo dhaweeyay madaarka Kismaayo.

Soo dhawayn kadib waxaa ay si wadajir ah madaxdu Saxaafada ugula hadleen garoonka diyaaradaha Kismaayo gaar ahaan qaybta nasashada.

Cabdikariin Xuseen guuleed Madaxweynahii hore ee Galmudug oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in ay halkan u yimaadeen ka qaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland wuxuu intaas ku daray inuu kamid noqday dadkii ugu horeeyay ee jabiyay go’aanka sharciga ka fog ee lagu cunaqabateeyay dadka ree Jubbaland isagoo sheegay in ayna ahayn wax qabta Bulshada ree Jubbaland cunaqabataynta iyo dhibaatada ay u gaysatay Dowlada Federaalka ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Kismaayo ay u yimaadeen in dadka ree Jubbaland ay la qaybsadaan farxada iyo damaashadka dib u doorashada Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo wax wanaagsan u qabtay ree Jubbaland taasna ay sababtay in ay shacabka ree Jubbaland mar kale dib usoo doortaan.

Shariif Xasan wuxuu intaas ku daray in cunaqabataynta la saaray dadka ree Jubbaland ay tahay mid aan qabanin oo sharciga aan wax raad ah ku lahayn wuxuu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed islaam oo mar walba u taagan Midnimada iyo wadajirka umada uu ka shaqeeyo sidii wixii kala aragti duwanaan ah loogu dhamayn lahaa wada hadal.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdigan gaba gabadii ku qaabilay qasriga Madaxtooyada.