Home Warar Shariif:-“Farmaajo in Isaga Dagaalka Bilaabo Waa Nasiibdaro”,!

Shariif:-“Farmaajo in Isaga Dagaalka Bilaabo Waa Nasiibdaro”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo kamid ahaa mas’uuliyiin maanta gaaray magaaladda Kismaayo ayaa eedeen u jeediyay madaxda Dowladda Dhexe.

Shariif Xasan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Kismaayo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xayiraadda Dowladda Dhexe ay saartay Maamulka Jubbaland,kadib markii ay ku qanci waysay doorashadda Axmed Madoobe kusoo baxay.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay reer Jubbaland ay mudan yihiin in lagu amaano amniga iyo kala dambeynta ay la yimaadeen,balse waxa laga xumaado ay tahay in hawadii Soomaaliya hub loogu dhigo oo lagula dagaalamo xiligaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii Hore ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa sheegay in qofna maanta uusan dhihi Karin “sida aan aniga rabay si aan aheyn laguma socon karo.

“Qofna maanta ma dhihi karo sida aan aniga rabay si aan aheyn laguma socon karo,Soomaaliya waxay isla ogolaatay ayaa lagu socon karaa, Dowladda Dhexe waa la aqoonsan yahay lama diidano,iyada in ay wax diido ma wanaagsana,ninkii reerka ugu weynaa in uu dagaalka bilaabo waa laga fiican yahay”, ayuu yiri Shariif Xasan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Shariif Xasan Shiikh aadan