Home Warar Shaqsi Lagu Tuhmaayo Bixinta Qishka Imtixaanka Dowladda oo La Qabtay

Shaqsi Lagu Tuhmaayo Bixinta Qishka Imtixaanka Dowladda oo La Qabtay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu hayo shaqsi lagu tuhmaayo bixinta qishka Imtixaanaadkii Shahaadiga Dugsiga Sare ee dalka.

Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay qabashada ninka la tuhmaaayo.

Waxa uu sheegay in shaqsiga gacanta lagu hayo uu kamid yahay shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda federaalka Soomaaiya ,islamarkaana lagu magacaabo Jamaaludiin Xasan Xersi oo 29 jir ah.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay shaqsigaan in loo gudbinaayo maxkamad si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan rabaa in aan shacabka Somaaliyeed la wadaago in Qaybta baarista dambiyada Booliska ay soo qabteen shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay qishkii la bixiyay ee Imtixaanaadka, shaqsigaasi waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi 29 jir ah oo ka shaqeeya Wasaaradda waxbarashada Somaliya.”

Ugu dambeyntii taliyaha Booliska Soomaliyeed ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ay ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo bixinta Imtixaanka Dowladda.