Home Warar Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Awdhiigle

Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Awdhiigle

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday uu goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Awdhiigle ee Gobolkaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, qaraxa oo ahaa mid culus ayaa lala beegsaday saldhig ciidamadda Danab ay ku leeyihiin deegaankaas, waxaana xigay rasaas aan kala joogsi laheyn.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ka dhacaysa deegaankaas, oo todobaadkii hore ay la wareegeen ciidamadda Dowladda.

Al-Shabaab oo sanado ku sugnaa deegaanka Awdhiigle ayaa haatan wada qorshe ku aadan sidii ay kula wareegi lahaayeen deegaankaas oo sanado ay ku sugnaayeen.