Home Warar Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxyadda Lagu Weeraray Hoteelka Afrik

Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxyadda Lagu Weeraray Hoteelka Afrik

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka qaraxyadda ku bilowday ee lagu qaaday Hoteelka Afrik ee Magaaladda muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan xoog kugalka ah ee ka socda Hoteelka Afriik oo ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

“Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ka wada gudaha Hotelka Afriik oo gabaad u ah mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya sida Shabaab ay sheegeen in weerarka lagu daah furay howlgal naf hurnimo kadibna waxaa gudaha Hoteelk udaatay dagaalyahanno aad u hubaysan waxaana halkaas ka socda iska hor’imaad culus.