Home Warar Shabaab oo Toogtay Ragg La Shaqeynayay Mareykanka iyo Ingiriiska

Shabaab oo Toogtay Ragg La Shaqeynayay Mareykanka iyo Ingiriiska

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala Degmadda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe waxa ay ku toogteen shan ruux ay ku eedeeyeen in ay u shaqeynaynayeen dowladaha Shisheeye.

Sidoo kale ragga la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug laahaayeen shirqoollo lagu fuliyay Dad Soomaali ah.

Fagaaraha xukunka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa shacab aad u fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab.

Ragga la toogtay waxay u kala shaqeynayeen Sirdoonada Mareykanka,ingiriiska iyo dowladda Federaalka Soomaaliya dhammaantoodna waxay geysteen falal dambiyeedyo.

1-Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan 22 jir wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka Maxkamadda horteeda ayuuna ka qirtay dambiyada uu geystay.

2-Maxamed Cabdullaahi Cawil 35 sana jir wuxuu la shaqeynayay Bangaraafta Mareykanka wuxuuna ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay Saakoow,wuxuu sheegay in ciidamo mareykan ah uu ku hoggaamiyay guri kuyaal degmada Saakoow.

3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda wuxuuna ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose wuxuu sheegay in uu shariixo saaray laba gaari oo laduqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay in uu gudbiyay macluumaad muhiim ah waxaana shaqa geliyay xildhibaan katirsan Hirshabelle.

4- Cawaale Axmed Max’med 32 sana jir wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka MI6 wuxuu sheegay in uu muddo sanada ah la shaqeynayay sidoo kale Ninka Jaasuuska ah ayaa maxkamadda ka hor qiray in uu Jaajuusi jiray dad Soomaali ah oo dalka UK deggan markii dambana ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen ayna ku amreen in uu ku biiro wax uu ugu yeeray Daacishta Soomaaliya ayna lacag kusiiyeen waxaana gacanta lagusoo dhigay isagoo Al Shabaab Jaasuusaya.

5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin wuxuu jawaasiis dowladda Federaalka uga qorayay gobollada Jubbooyinka isagoo shaqadiisa kujira ayaa gacanta lagusoo dhigay.