Home Warar Shabaab oo Soo Bandhigay Magacyo Xubno Lagu Dilay Qaraxii Warta-nabada

Shabaab oo Soo Bandhigay Magacyo Xubno Lagu Dilay Qaraxii Warta-nabada

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa shaaciyay magacyadda Mas’uuliyiintii dhimashadda iyo dhaawacyadda ku noqday qaraxii shalay ka dhacay Xarunta Degmadda Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa maanta shaacisay magacyadda dhowr mas’uul ay sheegtay in lagu dilay weerarka sidoo kalana lagu dhaawacay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Magacayadda Shabaab soo bandhigeen.

1-Cali Aadan Warsam oo ahaa xogayaha degmada waxaa soo gaaray dhaawac.

2-Cumar oo ahaa Agaasimaha guud ee Minishiibiyada degmada waxaa soo gaaray dhaawac.

3-Taliye ku xigeenka Minishiibiyada Degmada Warta-nabadda oo magaciisa aan la helin.

4-Madaxa Caashuuraha degmada ahaana sarkaal katirsanaa BS-ta ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa saraakiishii ku dhintay qaraxii ka dhacay Warta-nabadda.

5-Cabdi Guure oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii shalay, haweenay lagu magacaabo Dahabo Salaad oo kamid aheyd guddoomiye waaxeedyada degmada ayaa iyana dhaawacantay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka  Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxii shalay ka dhacay Degmadda Warta-nabadda.