Home Warar Shabaab oo Soo Bandhigay Ergooyinkii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Shabaab oo Soo Bandhigay Ergooyinkii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay waxa ay ku soo bandhigeen Ergooyin kale oo iska diiwaangaliyay deeganadda Shabaab ay ka arimiyaan.

Xafladd lagu soo bandhigay dufcadii 1aad ee Ergooyinka ka yimid Jubbaland  iyo Koonfur galbeed, ayaa lagu qabtay deegaankaas.

Odayaasha oo gaarayay ku dhowaad 100 oday dhaqameed ayaa ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doortay deegaanada  Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.

Shabaab waxa ay horay 46- cisho ugu qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinkii ka qayb qaatay doorashadii Xildhibaanadda lagu soo doortay.

Shabaab ayaa horay u soo bandhigtay odayaashii towbadkeenayaasha ahaa ee ka yimid maamulada Galmdug iyo HiirShabelle  kuwaas oo lagu soo bandhigay degmada Buq-Aqable ee Gobolka hiiraan.