Home Warar Shabaab oo Soo Bandhigay Agab ay Ka Qabsadeen Mareykanka+Sawirro

Shabaab oo Soo Bandhigay Agab ay Ka Qabsadeen Mareykanka+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa soo bandhigay caawa khasaaraha Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku gaaray weerarkii xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal culus oo ay la galeen ciidamada huwanta ee weerarka soo qaaday ay ku dileen sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Maraykanka ee howlgalka waday iyo qaar ka mid ah askarta dowlada, ayna dhaawaceen qaar kale.

Warbaahinta Shabaab ayaa caawa soo bandhigtay agabyo millatari oo ay kamid yihiin Bambaanooyin, rasaas iyo wax yaabo kale oo ay ka carareen, waxaana inta dheer agabyo caafimaad iyo lacago dolar ah.

Sidoo kale Shabaab waxa ay soo bandhigeen Sawirro muujinaya khasaare ay sheegeen in ciidamada Maraykanku u geysteen guryo ay degenaayeen dad shacab ah.

Mareykanka oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in weerarka uusan askari kaga dhimanin,islamarkaana ay caawinayeen Ciidamadda Danab ee Dolwaddda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarkii deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay 8 ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab.