Home Warar Al-Shabaab oo Sheegtay Qaraxii Lagu Dhaawacay Xildhibaan Boorow

Al-Shabaab oo Sheegtay Qaraxii Lagu Dhaawacay Xildhibaan Boorow

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xalay meel ku dhow Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay qorshihii laga lahaa qaraxii xalay lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

“Shabaab ayaa qarax aad u xooggan ku beegsaday gaari uu la socday mid kamida Xildhibaanada Golaha Shacabka xilli uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada, macluumaadka hordhaca ah ee shabaab soo gaaraya waa in uu dhaawac garaab ah uu gaaray Xildhibaanka, Nin darawal u ah uu ku dhintay qaraxa” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.

Al Shabaab waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto beegsiga Xildhibaannada Baarlamaanka oo ay ku eedeysay in ay isku magacaabeen sharci dajiyaal umadda sharci uga dhigay wax ay gacanta ku sameysteen meelna iska dhigay kitaabka Alle.