Home Warar Shabaab oo Sheegay Inay Dileen Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga DFS

Shabaab oo Sheegay Inay Dileen Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga DFS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa war kasoo saaray qarax ay galabta deegaanka Jaziira kula eegteen Kolonyo ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga Dowladda.

Sida lagu baahiyay Warbaahinta Shabaab, Qarax Miino oo dhulka la galiyay ayaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Saraakiishii Dowladda iyo Ciidamadii la socday Gaariga la qarxiyay.

Saraakiisha qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Jeneraal Cumar dheere oo ahaa taliyaha qeybta 12-aad ee ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo katirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

“Taliyihii qeybta 12-aad ee ciidanka Dowladda Soomaaliya Cumar dheere iyo abaan duuliyihiisi iyo 8 askari ayaa ku dhintay qarax Shabaab kula beegsadeen duleedka deegaanka Jaziira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lagu dilay Abaan duulihii ciidamada dowladda ee deegaannada Xeebta Ninka lagu magacaabo Cabdi Cali jamaame.

Jeneraal Cumar dheere ayaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed kasoo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga intii u dhaxaysay sanadihi 2004 illaa 2005 wuxuuna markii dambe ka mid noqday saraakiishii Dowladda.