Home Warar Shabaab oo Sheegay in Mareykanka Xasuuqay Dad Shacab ah+Sawirro

Shabaab oo Sheegay in Mareykanka Xasuuqay Dad Shacab ah+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay khasaaraha ka dhashay duqeymo xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntaan oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lala beegsaday Kuunya Barow, Awdheegle, deegaanka Dacaaraha oo ku dhaw Degmooyinka Qoryooley iyo Janaale.

Warbaahinta Shabaab oo soo bandhigtay Sawiraddda Goobaha La duqeeyay ayaa sheegtay in Diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen guryo ay daganayeen dad shacab ah iyo goobo Ganacsi.

Shabaab waxa ay sheegeen in duqeyn lagu dilay Canug yar oo umusha lagula jiray islamarkaana dhallanaa 20 maalmood oo qura iyo Macallin dugsi Qur’aan ayaa ku dhintay duqeymaha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in duqeymo kale ka dhaceen Degmooyinka Janaale,Awdheegle iyo deegaanka Dacaaraha balse majirin wax khasaara ah oo ay geysteen.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsana Maleeshiyaadka.