Home Warar Shabaab oo Sheegay in Maalinta Bari ay Tahay Maalinta 1-aad ee Ciidul...

Shabaab oo Sheegay in Maalinta Bari ay Tahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fidri

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegay in maalinta bari ay tahay ciid kadib markii bisha laga arkay meelo kamid ah Goboladda dalka.

Meelaha ay Shabaabka sheegeen in bisha laga arkay waxaa kamid ah Degmada Ufuroow ee Gobolkadda Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Shabeellada Dhexe.

“Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Deegandda Shabaab maamulaan ,marktbka qadaha ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 15 qofood kuna dhaqan Goboladaas ay arkeen dhalashada bisha Shawaal,Deegaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Degmada Ufuroow ee Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee  Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Shabeellada Dhexe”, ayaa lagu yiri warka Shabaab.

War kooban oo kasoo baxay Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo bisha Barakeesan ee Ramadaan Ciidana ay noqoneyso maalinta Axad.