Home Warar Shabaab oo Sheegay in ay Dileen Siyaasiyiin Mucaaradsan Axmed Madoobe

Shabaab oo Sheegay in ay Dileen Siyaasiyiin Mucaaradsan Axmed Madoobe

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii magaaladda kismaayo ay ku dileen siyaasiyiin iyo xubno kale oo mucaaradsanaa maamulka Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo lahadlay warbaahinta Shabaab ayaa xaqiijiyay in ragga gudaha hoteelka ka dagaallamayay ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro uga yimid ciidamo huwan ah.

Waxa uu sheegay weerarka oo qaatay Muddo 13-saacadood ah lagu dilay saraakiil iyo siyaasiyiin ku shaahayay barxadda Hoteelka cas-casey ee magaaladda Kismaayo.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay askar  saraakiil badan iyo siyaasiyiinta mucaaradsan maamulka Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

Weerarkii kismaayo waxaa ku dhintay Maxamed Shuuriye, oo kamid  ahaa musharaxiinta Jubaland, Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, sidoo kale ahayd Wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV, Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, waxa uu mar soo noqday Wasiir katirsanaa golaha Wasiirada Jubbaland, Maxamed Sahal Cumar (Gacma dheere) oo kamid ahaa Suxufiyiin hotelka ku sugneed Xiligii uu weerarka dhacayay iyo Deeq Ciise Wabi oo la shaqeynay Hay’ado aan Dowli ahayn.