Home Warar Shabaab oo Sheegay in ay Dileen 13 askari oo Ciidanka Jabuuti ahaa

Shabaab oo Sheegay in ay Dileen 13 askari oo Ciidanka Jabuuti ahaa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay Duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka labadda dhinac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho dhaawac isugu jira.

Dagaalka kadib labada dhinac ayaa hoobiyayaal ku gaaray degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalka ay ku dileen illaa 13 askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti, balse Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Jalalaqsi ay beeniyeen sheegashada Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in 6 askari ay ka dhaawacantay Jabuuti.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.