Home Warar Shabaab oo Qaraxyo La Beegsaday Ciidamo Mareykan iyo Kuwa Dowladda

Shabaab oo Qaraxyo La Beegsaday Ciidamo Mareykan iyo Kuwa Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaxa dagaal xoogan oo dagaalamayaasha al shabaab la sheegay in maanta ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland ku leeyihiin deegaanka janaay cabdalle ee gobolka jubba hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ku bilowday qaraxyo islamarkaasna uu xigay dagal toos ah oo dhexmaray xubno ka tirsan dagaalamayaasha al shabaab iyo ciidamadii ku sugna saldhigaasi ku yaala deegaanka janaay cabdalle.

Wali Si dhaba ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhshay dagaalka maanta balse dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhankale dagaalamayaasha  al shabaab  ayaa sheegay in dagaalkan  ay u adeegsadeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay islamrkaasna ay la beegsadeen ciidamo ajaaniib ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalo deegaaanka janaa cabdale.

Al shabaab ma xaqiijin khasaaraha weerarkaan balse waxa ay sheegeen in ay ku weerareen ciidamo mareeykan ah.