Home Warar Shabaab oo Ka Hadlay Weerar Toos ahaa ay Ka Fuliyeen Muqdisho!

Shabaab oo Ka Hadlay Weerar Toos ahaa ay Ka Fuliyeen Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ka hadlay weerar ay ka fuliyeen barqanimadii maanta Magaaladda Muqdisho.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in weerarka uu ka dhacay Kontorool ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin Seybiyaano, islamarkaana halkaas si awood ah ay ku dhaafeen xubno shabaab oo la socday gaari kuwa raaxadda ah.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta Shabaab u sheegay in ciidankooda ay cagta mariyeen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen.

“Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga dhintay” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab.

Weerarka maanta ka dhacay isgoyska Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir,ayaa yimid kadib markii uu qarax gaari ku xirnaa uu ku qarxay isgoyska Banaadir.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan laamaha amniga oo war kasoo saaray weerarka ka dhacay seybiyaano ayaa sheegay in shabaab halkaas loogu dilay labo xubin,1-na uu baxsaday.