Home Warar Shabaab oo Ka Hadlay Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Kismaayo

Shabaab oo Ka Hadlay Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Kismaayo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax iyo weerar toos ahaa oo ka dhacay maqribnimadii caawa Magaaladda Kismaayo.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen mid kamid ah hoteeladda ku yaala magaaadda Kismaayo.

Shabaab waxa ay sheegeen in hoteelka la weeraray ay dagan yihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

“Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo loogu hadlaayo qaraxa iyo weerarka ka dhacay magaaladda kismaayo.