Home Warar Shabaab oo Ka Hadlay Ceyrintii Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre

Shabaab oo Ka Hadlay Ceyrintii Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-Shabaab ayaa ka hadlay Xil ka qaadistii Raisulwasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo Kalmad jeediyay ayaa ku bogaadiyay Umadda Soomaaliyeed acmaasha kheyrka ee maalmaha ciidda.

 

Wuxuu shacabka muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan udiray hambalyo ku saabsan maalmaha barakaysan xilli ciiddan ay dadka kala xanibeen cudurro iyo aafooyin.

Sheekh Cali dheere ayaa soo hadal qaaday khilaafka udhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka ee sababay in la eryo Xasan Cali Kheyre oo ahaa Raisulwaasare Muddo Seddex Sano iyo bar 3.5.

Waxa uu sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay ku celceliyeen dhowr jeer in aysan is khilaafi doonin balse ay kala tageyn.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen,go’aanka ay qaateen Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waa mid waji cusub u sameynaya Siyaasadda Dalka”, ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.