Home Warar Shabaab oo Gudoomiye Cusub Usoo Magacaabay Gobolka Banaadir

Shabaab oo Gudoomiye Cusub Usoo Magacaabay Gobolka Banaadir

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hogaanka Alshabaab ay gudoomiye cusub usoo magacaabeen Gobolka Banaadir.

Ilo ku dhow shabaab ayaa laga soo xigtay in gudoomiyaha cusub ee shabaab uu noqon doono Daahir Macallin Salaad oo muddo ka tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Daahir ayaa badali doona Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Inkastoo Maleeshiyaadka Al-shabaab aysan ka talinin Magaaladda Muqdisho,hadana waxa ay ka fuliyaan qaraxyo.