Home Warar Shabaab oo 3-Ka Tirsanaa Sirdoonka Dowladda Ku Dilay Muqdisho

Shabaab oo 3-Ka Tirsanaa Sirdoonka Dowladda Ku Dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda 3-dhalinyaro ahaa oo xalay lagu Dilay Degmadda Waabari ee Gobolka banaadir.

Dabley hubeysneyd ayaa dhalinyaradda dishay xili ay la socdeen Mooto,waxayna ka qaateen 3-bastooladd ay wateen.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in 3-da askari oo ahaa kuwa Dharka Cadka xalay lagu dilay Xaafadda Baar Degmadda Waabari.

Sidoo kale warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in xubnaha la dilay laga furtay 3-bastooladd ay wateen.

“Al-shabaab ayaa Seddex ka Tirsan Sirdoonka Dowladda qeybta dharcadka loo yaqaan ku dilay degmada Waaberi bastooladihii ay wateenna waa ka qaniimeysteen Alle ayaa ku mahadsan Shabaab usuurta geliyay howlgalkan guulaystay” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.